- Get link
- X
- Other Apps
Burundi wadanki gaajada waa mid ka mida wadamada dhaca bariga afrika wuxuna wadankani ood wadaag yihiin wadamadaa congo,tanzania waxa u ka mid yahay wadamada ugu faqiirsan addunka waxana dalkan ku nool ku dhawad dad gadhaya 12 .55 million
Badi dadkan ayana la dala dhacaya faqri
Burindi ayaa la shegaa in boqolki 70% dadka wadankasi nolol malmedkodu ka yar yahay 1 dollar dadka ku nool burundi ayaa la dala dhacaya cafimaad xumo baahsan sida ay shegtay who hayada cafimadka addunka badka wadanka ayaa ah 27,834km
10ki carura ee wadanka burundi ayaa mid ka midi uu dhinta sababo la xidhidha cafimad xumada ka taagan wadankasi iyo macalusha oo maraysa halki ugu darnayd
Marka la maqlo wadanka burundi waxa markaba la raciya jahli, sabolnimo,iyo dagalo qabyalad ku salaysan oo asagii ka reebtay
Burundi waxa casimad u ah magalada Bujumbura oo ah tan ugu wayn wadanka marka la eego baxad ahaan dadka ku nool burundi ayaa boqolki 62% waxay haystan roman Catholic halka boqolki 21.6 ay yihiin dibad joog musliminta ayana ah kuwa ugu yar wadankan
DHQALAHA BURUNDI
Wadankan burundi ayaa badi dadkisu yahay beeraley boqolki 90% dhqalaha wadankan ayaa ku tiirsan beeraha
waxayna dhofisa bunka iyo shaha oo ah kuwa ugu badan ee ay dibada u dhoofiso
waxana burundi dhaqalehega lagu qiyasa $3.436 billions
QABILADA BURUNDI KU NOOL
Dhamadki qarnigi 16 aad ayay dageen qabilada hutuga iyo tuutsiga oo ah qabiilo beraley ah oo degan gobolka bariga doxoyinka iyo badhtamaha afrika ka dibna waxaa halkas ka asaasmay boqortoyo jirtey 200 sano ilaa laga so gaadho qarnigi 20aad oo gumaystihi reer yurub dagalka kuso qadeen qarada afrika
Jarmalka ayaa ahaa gumaytihi ugu horeyay ee dhulka yimada wuxuna abuuray maamul uu iskugu geeyay burundi iyo ruwanda marki jarmalka lagu jebiyay dagalki 1aad ee dunida waxa lala wareegay maxmiyadihi hoos iman jiray
Dhulki burundi waxa la waregay boqortoyadi belginka wuxuna bilaabay inuu dadka kala jabiyo iyado hab qabiil la isticmalayo wuxu sameyay aqoonsiyo qeexaya qabilka qofka isago mar walba abuuri jiray dagalo uu dhexeya hutuga iyo tuutsiga
Sanadki 1962 ayay burundi xoriyada ka qadatay gumaystihi belginka 2 sano gudehed ayaa shirqol lagu dilay raysal wasarihi waxana durba bilamay xasiloni daro siyasadeed iyo in xukunka xoog lagu kala qaato iyado qabiladi ay iskala kaceen isir safayn
Dagalki ugu darna ayaa dhacay sanadki 1992 marki uu khilaaf ka dhacay isbaldel lagu sameyay xukumadi oo isku badilay dagaal qabilaysan oo ay ku naf wayeen ku dhawad 200 kun oo qof
Sanadki 1993-1994 waxaa la dilay raysal wasarihi iyo madaxwahi dalka
Xasiloni darada siyasaded ee haysatay burundi ayaa dhaxal siisay dal dhibane u ah dib u dhac dhinac walba ah waxayna taasi sababtay in la waayo adeegyada asasiga sida biyo nadiifa, waxbarasho,iyo adeeg cafimaad oo saxan
Siyasada jihaynta dhaqalaha ayaa ah nidaam ahaan mid hoseysa taaso sababtay in faqrigu sameeyo dalka iyo dadka badina dhaqalihi wadanka ayaa noqday mid ku tiirsan mucawino uga imata dalalka dibada iyado uu ragadiyay musuq masuqu waxana arinta hormud ka ahaa mamuladi hayay talada dadka
Dhibatoyinka oo dhan ayaa sabatay inay maalgashi yasha calamka iyo in xita ganac sadayasha wadanka uu dhashay ay maalgashi samayn wayaan waxana ka dhashay inay yaradan fursadaha shaqo helida ee dhalinyarada
Shacabka burundi oo ah kuwo uu rafadiyay musuqu ayaa qoxooti ku noqda wadamada jaarka la ah burundi iyaga oo nolol u radsanaya
Comments
Post a Comment