- Get link
- X
- Other Apps
Maxaad ka taqana magaladi kulmisay wadamo siyasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ku tartama
TAARIKHDA WADANKA DJABOUTI
Wadanka djabouti waa mid kamida wadamada dhaca geska afrika iyo xebaha bada cas gaar ahaan marinka baabu mandab waxaa ku nool dad gaadhaya 1.106 millions oo qof taas oo ka dhigaysa wadankan mid kamida kuwa ugu yar geska afrika
Wadanka djibouti waxaa casimad u ah magalada djabouti oo ah magalada ugu wayn dhinaca baaxada waxayna tiir dhexaad uu tahay dhaqalaha iyo mamulka jabouti waxana ku yaala kaaba yasha dhaqalaha kuwoda ugu wawayn
Waana mid kamida magaloyinka ugu istarajisan kuna lolaman ka ag dhawan sheheda wadamada ugu awooda badan dunida iyago aminsan in joogista jabouti ay ka cawinayso inay samayn ku yeshaan marinka baabu mandab
WKHTIGI GUMAYSTUHU YIMIDAY
Ka hor inta usan djabouti so galin gumaystihi farasisku qarnigi 19 aad waxay tuulo yar oo ka bilabanta xaafada ambuli oo ah xafad qadiimi ah oo lagu xusay bugagti girigii hore iyo sahami yayashi carabta
Al idrisi sahamiye iyo qoraa juquraafi ayaa dhukumenti uu ka sameyay kharirada bada cas sanadki 1192 miladi ambali ku sheegay in ay tahay magalo yar oo konfur bari bada cas dhinaca babu mandab inkasto ku taalay marin muhim u ah bada cas domuhuna mari jireen
Hadana ma lahayn xadarad aad u wayn sida saylac iyo berbera oo juqurafi ahaan u dhaw jabouti qarnigi 13 aad ee miladi waxay mudo ku dhaw 10 sano xarun u ahayd sahamiyayal talyani ah oo safaro ku mari jiray xebaha bariga iyo geska afrika
Waxayna ambuli u ahayd meel marka ay safarada kaso labtan ay sal dhigtan sandki 1862 ayu gumaystihi farasisku kuso degay xebaha obukh ee ku tala woqoyiga jabouti
mudo kadib ayu sanadki 1888 wuxu kuso guray jabouti
Gumaystaha ayaa marki hore ujedadisu ahayd in jabouti ay noqoto goob u ka ilaliyo alabihi u kala gudbayay maxmiyadihi faransiska halka lo yaqano canbado oo ah goob saran bada ayuu farasisku kula shiray odoyadi cisaha iyo canfarta
Wuxuna kula heshiyay in u jabouti dago in kasto heshis dhacay hadana waxaa jiray dad didana in gumaystuhu cagaha so dhigo dhulkan halganka waxa hor kacayay nin la odhan jiray faarax xaad oo mudo badan dagaal la galay faransiska isaga iyo dhalinyaro kale
Aad ayuna uga biyo diiday heshiska lagu Kenay gumaystaha wadanka jabouti
Jabouti waxay markasi ahay meel xeba oo banan oo ilbaxnimo ka jirin marka laga reebo agagarka ambuli oo u egayd degmo si dugobaysa
Marsada jabutina ma ahayn meel dhaqaq ka socday sida degamada kale ee saran bada cas farasiska ayaa dhisay guryo u dejiyo cidankisa iyo dhawr xarumod oo mamul ahaan uu diyaarsaday si uu xebta ugu dhawado
Dadki degaan ahaan ku dhawa jabouti ayaa bilabay inay guryo ka dhistan sida ayay mudo gaaban ku noqotay magalo camiran mudo 10 sano ah marki farasisku degana jabouti ayuu itopia heshis kula galay in uu dhiso jid taren
Si u badecadaha ugu kala gudbiyo jabouti iyo adis ababa ganac sadayasha itopia ayaa domo yar yar kala degi jiray agagarka gacanka tajora safarka dhulka oo la adeegsan jiray awrta ayaa qadan jirtay mudo 6 usbuc
Sidas darted silo dardar galiyo ganacsigi kala dhexeyay etopia ayuu hindisay dhismaha wadada jid tarenka oo isku xidha jabouti iyo adis ababa
Sanadki 1897 khadkan oo aha mid hal dariqa ayaa la dhisay masafo dhan 785 kilo meter
100 kilo oo kamida ayana laga dhisay jabuti dhexdeda waxana dhismihisa la dhamays tiray sandki 1917XILIGI GOBONIMO DONKA
Dagalki labad ee dunidu marki uu dhamaday si lamida dalalki uu gumaystuhu xooga ku haystay waxaa ka bilamay dhaq dhaqaq xoriyad doon ah oo lagu donayo in shisheyuhu faraha kala baxo mamulka dhulkan
Waxana xoriyad donka u halgamayay dhalinyarada oo uu hormod u aha maxamud xarbi farasiska oo arinta ka xumaday ayaa asasay xukun isaga hoos yimada oo u madax uga dhigay dad reer jabutiya
sanadki 1966 ayuu boqasho ku yimid madax waynihi xiligas hogaminayay farasiska ee charles de gaulle shacabki ayana banan baxyo kala hor tagay oo ay ku didan yihiin jogista gumaystaha askarti ayaa caroday kadibna xabadeyay shacabki
Waxana ku dhintay dad faro badan intas ka dib ayaa waxaa magalada lagu so rogay bandow lagu xayirayo dhaq dhqaqa shacabka mudo kadib marki u xamili wayay cadadiska shacabka ayu ogoladay inu shacabka afti ka qaado
Kaaso lagu oganayo inay raban inay faransiska kusi hoos jiraan ama xoriyad donayan sanadki 1967 ayuu aftidi u qaday been ka sheegay isago 60%ku tilmamay inay isaga u codeyen halka 40% ay xoriyad doon ahayeen
Halgan dheer ka dib jamuriyada jabouti ayaa sanadki 1977 madax banani ka qadaday gumaystihi faransiska
Comments
Post a Comment